Waxba ha ku darin, waxna ha ka dhimin

Qormadaada marka aad dhammeyso dib u akhri oo is weydii. Ma sheegay wixii aan rabay in aan soo gudbiyo oo dhan?


Waxa aan qoray oo dhami ma yihiin wax aan ugu tala galay in aan soo gudbiyo oo keliya?

Ha qorin hadal aan macno sameyneyn. Ha qorin erayo isticmaal ku soo daalay oo aan miisaan lahayn.

Weedhan oo kale ka dhowrso: Ilaa toban ruux ayaa ku geeriyooday shil.

Ma waxaa loola jeedaa ugu yaraan toban ruux? Haddii aad ugu yaraan ula jeeddo maad iyadaba isticmaashid?

Immika iyo haatan maxaa la isu daba dhigayaa?

Daacuun-caloole waa maxay? Ma daacuun madaxa ku dhaca ayaa jira?

Geeri-lama-filaan ah maxaa loola jeedaa? Ma qof aan la ogeyn in uu mar uun dhiman doono ayaa dhintay?

Haddii aad u jeeddo geeri kedis ah, sidaa maad tiraahdid?


U fiirso wax kasta oo aad qoreyso ama ku hadleyso macnahooda.

Isha qormadan: BBCsomali

Comments