PROF. CALI MAXAMED GEEDDI: “ Wariyihii Wareysiga iga qaaday wuxuu ahaa khaa’in, wuxuuna ii sheegtay hay’ad uusan ka tirsaneyn”
Jimco, July 19, 2013— Ra’iisal
Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhawaan waxaa uu
wareysi siiyay Radio Al-furqaan oo ah Idaacad ay maamusho Al-shabaab,
wareysigaasna wuxuu ahaa mid kulul oo su’aalo adag lagu weydiiyay Prof.
Geeddi.
Su’aalaha aan soo qaadan karno
ee wareysigaas lagu weydiiyay waxaa ka mid ahaa in intii uu Ra’iisal Wasaaraha
ka ahaa Soomaaliy uu dalka Soomaaliya ku soo hoggaamiyay ciidamo Itoobiyaan ah,
isla markaana uu xasuuq geystay.
Haddaba markii uu shaacay
wareysigaas ayuu Ra’iisal Wasaare Geeddi bixiyay wareysi kale oo uu ku sheegayo
in wariyaha wareysigaas ka qaaday uu ahaa khaa'in, isla markaana uu u sheegtay
hay’ad warbahineed uusan ka tirsaneyn.
“Waxaan ugu baaqayaa
siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kuwa noocaas oo kale ka digtoonaadaan, isla
markaana ay iska hubiyaan qofka ay wareysiga siinayaan, waxaana uga
tacsiyeynayaa umadda Soomaaliyeed in ay raalli ka noqdaan wixii ay iga maqleen,
aniga oo ogsoon in ay isleeyihiin Cali Maxamed Geeddi maxaa ku dhacay" ayuu yiri
Prof. Geeddi.


Comments
Post a Comment