Khibrad ma wadaagnaa?
Inqaasta Yusuf-Garaad
Waxaan jecleystay in aa weriyayaasha Soomaalida la
wadaago wixii aan khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay saxaafadda. Aniga oo
arrintaas ku faahfaahin doona qeybta dambe ee qormadan, waxaan marka hore kula
wadaagayaa khibradda aan anigu leeyahay. Si ay kuugu iftiimiso dhinacyada aan
kala faa'iideysan karno.
Waxaan muddo dheer ka soo shaqeeyay saxaafadda. Waxaan ka
billaabay Wargeyska Xiddigta Oktoobar oo ay soo saari jirtay Wasaaradda
Warfaafinta ee Jamhuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya. Aniga oo arday ah ayaan
billaabay in bogga saddexaad ee Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta aan ku soo
daabaco qormooyin kala duwan oo inta badan ku saabsan dhallinyarada.
Inyar ka dib waxaan ka mid noqday qorayaasha mushaar ku
shaqeeya oo bil walba lagula xisaabtamayo tirada qormooyinka ay daabaceen.
Waxaan ku garab waday Raadiyo Muqdisho oo aan ka tirsanaa
Xafiiska Wararka. Isla markaana aan diyaarin jiray barnaamijyo kala duwan oo ay
ka mid ahaayeen Wargeysyada Caalamka, Kororso Aqoontaada, Dalmar oo lagula
hadli jiray qurba joogta iyo Bandhigga Raadyaha.
Markii Qaranku burburay 1991, waxaan noqday Weriyaha BBC
ee Roma aniga oo mararka qaarna wararka ka soo tebin jiray Geneva iyo dalka
Faransiiska.
Waxaan soo saare ka noqday Laanta Soomaaliga ee BBC World
Service xarunteeda London 1992. Waxaan halkaa ka shaqeynayay ilaa bishii August
ee 2012. Muddadaas waxaan BBC World Service ka qabtay hawlo kala duwan oo ay ka
mid tahay Soo saaare Focus on Africa, Soo saare sare Laanta Soomaaliga,
Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe, Madaxa Laamaha Afrika muddo 6
bilood ah iyo 13 sano oo aan ahaa Madaxa Laanata Soomaaliga.
Waxaa kale oo aan muddo sannad ku dhowaad ah, Tababbare
Sare ka ahaa Waaxda Tababbarrada ee BBC World Service, oo ka dib noqotay BBC
College of Journalism.
Waxaan taladiisa lahaa, wejigii koowaadna fuliyay,
tababbarkii ugu horreeyay ee abid ay BBC siiso weriyayaasha Soomaalida oo 1998
aan ku bixinnay aniga iyo laba weriye oo British ah Hargeysa iyo Marka. Waxaa
ka qeyb galay weriyayaal ka socda dhammaan wixii Media dalka ka jiray berigaas.
Mashruucaas oo ay maalgelineysay Beesha Yurub wuxuu socday dhowr sano waxaana
macallimiin ka noqday weriyayaal badan oo khibrado kala duwan leh oo BBC iyo
qaar kaleba isugu jira.
Waxaan tababbarro weriyennimo ka bixiyay Marka, Muqdisho,
Hargeysa, Nairobi, Accra caasimadda
Ghana iyo dabcan London.
Waxaan hadda damacsan ahay in mar kasta oo aan wakhti u
hayo aan si mutaddawacnimo ah khibraddeyda ula wadaago suxufiyiinta Soomaalida
ee heli kara internet. Ha joogeen
Shanta gobol ee Soomaalida ee Geeska Afrika ama meelo kale. Waxaan si gooniya u
daneynayaa dhallinyarada dhowaan ku soo
biiray saxaafadda iyo kuwo aan fursado u helin tababbarrada.
Waxaan bixin
doonaa tababbar isugu jira casharro aan soo diyaariyay oo aan soo gudbin doono
iyo in aan ka soo jawaabo hadba su’aalaha ay i soo weydiiyaan weriyayaashu.
Xataa haddii ay noqon lahayd arrin markaa taagan oo aad dooneysid in aan talo
kaa siiyo sidii aad go’aan u qaadan lahayd, inkasta oo aanan go'aan anigu kuu
gaari doonin. Dabcan waxay mar walba ku
xirnaan doontaa firaaqadeydu sida ay markaa tahay.
Wixii aan
anigu talo u baahdo waxaan la kaashan doonaa weriyayaal kale oo khibrad badan
oo Soomaali iyo ajnebiba leh oo aan xiriir leennahay. Sidoo kale waxaan jecel
ahay in bartaasi ay noqoto meel ay weriyayaashu dhexdooda isku wedyaarsadaan
aragti iyo waayaragnimo oo aanay keligeey igu koobnaan.
Haddaba,
waxaan jeclaan lahaa in aan ka billaabo in aan ogaado ra’yiga weriyayaasha. Ma
jirtaa baahi aan Online kaaga caawin karo? Hadday jawaabtu haa tahay - maxay
tahay baahidaasi? Maxay yihiin dhinacyada aad jeclaan lahaayd in aan culeyska
saaro?
Fadlan jawaabaha ku qor isla qeybta hoose ee bloggan.
Weliba haddii saaxiibbo hortaa jawaab bixiyay aad ku raacsan tahay jawaabtooda
ama aad si weyn uga ra'yi duwan tahay fadlan soo raaci aragtidaada. Mahadsanid.

Comments
Post a Comment