Qalinkii: Salaad Xiis
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dhawaad meel-mariyeen xeer saxaafadeed, kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo warbaahinta Soomaaliya, hayeeshee waxaa durba ka horyimid xeerkan inta badan warbaahinta Soomaaliya oo u arka in uu yahay mid ay ku jiraan qodobo badan oo caburinaya ama xakameynaya warbaahinta xorta ah.
Ururro Caalami ah oo uu ka mid ah Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ, Qaramada Midoobay iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ka soo horjeestay xeerka saxaafadda, waxayna dowladda SOomaaliya ugu baaqeen in ay ka fiirsato in ay xeerkaas sharci ahaan u dhaqangeliso.
Markii qeylo-dhaantaas laga keenay xeerkan ayuu Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu kulan afur ah u sameeyay warfidiyeenno Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo uu Ra'iisal Wasaaraha u xaqiijiyay in aan saxaafadda la caburin doonin, isla markaana haddiiba ay jiraan waxyaabo qalad ah oo ku jira xeerkan la sixi doono, ayna bahda saxaafadda Soomaaliyeed u furan tahay in ay ka qeybqaataan sixitaankiisa.
Dalka Soomaaliya ayaa markii ay burburtay Dowladdii mileteriga ahayd ee Soomaaliya ayaa waxaa sameysmay hay'ado warbaahineed oo badan, kuwaasi oo madax bannaan, waxayna taasi keentay in ay dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan cabursanaanta, isla markaana ay abuureen jawi isdhexgal ah.
Haddaba haddii xeerkan saxaafadeed la saxo, lana mariyo baarlamaanka ayaa wuxuu dalka Soomaaliya markii ugu horreysay yeelanayaa xeer saxaafadeed sharci ah oo ay leedahay warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna taasi meesha ka saari doontaa tacaddiyo loo geysan jiray warbaahinta iyo qaladaad ay warbaahinta geli jirtay, taasi oo la rumeysan yahay in ay sahashay aqoon-darro ama waayo-aragnimo la'aan heysa warfidiyeennada, waxaase loo baahan yahay in marka hore xeerka uu noqdo mid aanan ka dhan ahayn saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul-qowlka.

Comments
Post a Comment