Hadday noqon
lahayd warbixin aad ka tarjumeyso af qalaad iyo hadday noqon lahayd qof af
qalaad ku hadlaya oo aad dooneyso in aad wixii uu yiri aad soo gudbiso.
Markaa
maaddaama qofka waxaas ka shaqeynayaa uu inta badan yahay qof ku hadla Soomaali
iyo afka qalaad ee uu tarjumayo, ayaa waxaa mararka qaar dhacda in erayada ku
adkaada in uu Soomaali ku helo in uu ku isticmaalo afka qalaad.
Laakiin waa in
aad xusuusnaataa in dadka oo dhami aanay kula fahmi Karin ereyga qalaad ee aad
adeegsatay.
Mararka qaar
dhibku ma ahan isticmaalka erey qalaad, ee waxaa dhacda in fakir ama ratibaad
aan ahayn mid Soomaali ah in aad isticmaasho.
Xabbada nool ayaad maqleysaa iyada oo loola jeedo live
bullets.
Qofka wax tarjumaya marka ugu horreysa waxaa looga baahan
yahay in uu fahmo waxa uu tarjumayo.
Marka aad fahamto, ku sheeg af Soomaali.
Xusuusnow, wax aadan fahmin ma tarjumi kartid.
Isha qormadan: BBCsomali
Isha qormadan: BBCsomali

Comments
Post a Comment