Talada khabiirka

Filimkan, weriyaha BBC Allan Little waxa uu ku eegayaa qaabka ugu haboon ee si cad oo kalsooni leh wax loogu diyaariyo Radio.


Waxaa halkan uu ku sheegayaa, labo arrimood oo muhiim ah; inaad heyso wax aad sheegto iyo inaad si fudud u sheegto erayo la fahmi karo.

Sida uu Allan muujinayo, haddii aad dooneyso inaad si sax ah wax u qorto, waxaad u baahan tahay inaad akhriso oo aad ka fakirto ereyada aad isticmaaleyso; waxa la fahmi karo iyo waxa aan la fahmi karin.


Si cad u sheeg waxa aad dooneyso inaad ka hadasho: haddii aad sheeko heysid, jawi muuqaal aad bixineyso, ama aad sharaxayso arrin adag. Mid walba waxa ay leedahay qaabkeeda.

Isha qormada: BBCsomali

Comments