Sadar muuqdaa
su'aal ka dhan. Saxaafaddu aaladda ugu muhiimsan ee ay adeegsato waa
afka. Afka waxaa ku jira erayo aan macnahooda la wada aqoon iyo qaar aan isku
si loo aqoon.
Waxaa ku jira erayo qadaf ah iyo qaar kale oo badan oo
iyagana tahay in laga dhowrsado.
BBC waxay muhiimad weyn siisaa isticmaalka afka.
Soomaaliga ay isticmaaleysaa waa in uu ahaadaa mid si
buuxda u soo gudbinaya macnaha la doonayo in uu gudbiyo.
Sida afafka kaleba uu af Soomaaligu yahay af intaa
isbeddel ku dhacayo (erayo ku soo kordha, kuwa luma, qaar macnahoodu isbeddelo
iwm).
Af Soomaaliga waxaa u dheer in uu yahay af weli aan
ereybixintiisa xagga aqoontu aanay si fiican u saldhigan, maddaama uu ku
salaysan yahay dhaqan reer guuraa, isla markaana qoraalkiisii uu ahaa 1972,
meesha ay afafka qaar lahaayeen qoraal kumanyaal sano.
Sidaa darteed, BBC waxay daabacday bogaggan si ay dadka
af Soomaaliga ku hadla ula wadaagto isbeddelka iyo horumarinta afka.
Akademiga Saxaafadda ee BBC iyo BBC dibedda la hadasha
waxay ku faraxsan yihiin inay sameeyaan jiheeyaha shan luqadood oo Africa ah
Somali, Hausa, Kenya-Rwanda, Kirundi, iyo Portuguese-ka Africa.
Tilmaamuhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ugu danbeyn
ay saxaafaddu u tahay luqad. Si looga dooddo qiimaha saxaafadda, waa in marka
hore qofku fahmaa doorka ay luqaddu ka ciyaarto sida loo qeexayo qiimahaasi.
Qeybtan cusub waxa ku biireysaa liiskii hore ee
tilmaamaha luqadaha aan horey u sameynay ee Arabic, French, Swahili iyo Hindi,
waxaana ay ka dhigeysaa tirada guud ee boggagga Akademiga Saxaafadda ee BBC ay
sameysay 24 luqadood.
Tani waa tallaabadii ugu horeysay, waxaanu jecelnahay in
boggaggan ay ballaartaan oo ay u noqdaan tilmaame buuxa saxaafadda iyo luqaddaha.
Wixii fikrad ah ku soo dir emailka Dhag sii
somali@bbc.co.uk ama buuxi foomka dhinaca midig.
Isha qormadan: BBCsomali
Isha qormadan: BBCsomali

Comments
Post a Comment