Marka aad dooneyso in aad diyaariso qormo loogu tala
galay in Radio laga akhriyo, waa in aad maanka ku haysaa, in ka duwan tahay
midda loogu tala galay TV iyo tan in wargeys ama barta internetka lagu
daabacyo.
Halkan waxaan isku koobi doonaa qormada Radio waxa looga
baahan yahay.
Waxaad xusuusnaataa in marka adiga oo aan arkayn marka
aad maqasho codka qof buug kor u akhrinaya iyo qof qof kale la sheekeysanaya in
ay kala duwan yihiin.
Marka isku day in aad u qormadaadu u ekaato sida qof
sheekeynaya oo u sheekeynaya qof kale. Adeegso weedho (jumalado) gaa-gaaban.
Sida tan oo kale.
Xusuusnow in qofka Radio dhegeysanaya marka ay noqoto in
uu ka fekero macnaha ereyga aad isticmaashay, in ay ku keeni karto in wixii
xigay ay dhaafaan.
Taas oo markaa fahamkeedu ku adkaan doono. Ogow qofka
radio dhegeysanayaa ma haysto fursad uu dib ugu soo ceshado.
Qormadaadu waa in ay ahaataa, mid erayada ku jiraa ay
yihiin kuwa maalin walba la isticmaalo oo macnahoodu uu fudud yahay.
Taa macnaheedu wuxuu yahay in laga dhowraa erayada af
guriga ah, ama erayada suugaanta ee macnahoodu culus yahay.
Sidoo kale, waa in aad iska dhowrtaa erayada laba macnood
ama ka badan yeelan kara, ama degaan-ba si looga yaqaan.
Ha isticmaalin sarbeeb. Sida uu dadku u hadlo iyo sida
wax loo qoraa isku mid ma ahan. Dadku waxay ku hadlaan weedho fudfudud, oo
gaagaaban.
Isha qormadan: BBCsomali
Isha qormadan: BBCsomali

Comments
Post a Comment