Naxwaha

Naxwaha waxaa mararka qaar laga yaabaa in aan qofka wax qorayaa aad ugu fiirsan.


Laakiin naxwuhu marka uu qaldan yahay ugu yaraan dhadhanka ayuu ka lumayaa hadalka, haddii kalena waxaa ay weedhaadu gudbin kartaa macno ka duwan midka aad dooneysay in aad gudbiso.

Khaladkan ugu badan ee ay weriyayaashu ku sameeyaan naxwaha ayaa waxaa ka mid ah in ay wax keli ahaa ay u sheegeen sida in ay wadar yihiin.

Tusaale; Golaha Wasiirradu waxay go’aansadeen ayaad maqleysaa. Inkasta uu xubno badan ay ku jiraan, haddana Golaha Wasiirradu waa keli oo waa Gole.

Markaa waxa weedhaasi ay noqotaa:

Golaha Wasiirradu wuxuu go’aansaday.



Isha qormadan: BBCsomali

Comments