Faham marka hore

Wararka waxaa intaa soo gala erayo iyo fikrado aqoon u baahan. Sida keliya ee weriyuhu uu wararkaa u soo gudbin karaana waa in uu yaqaanna waxa loola jeedo erayada warka soo galay.

Tusaale, waa maxay macnaha federaal? Maxaa loola jeedaa doorasho guud?

Booqasho rasmi ahi Maxay uga duwan tahay Booqasho heer Qaran?

Maxay kala yihiin Bangiga Ganacsiga, Bangiga Dhexe, Bangiga Horumarinta, Bangiga Islaamiga?

Misaaniyad waa maxay? Hoos u dhac dhaqaale muxuu yahay?

Waxaad arkeysaa weriye isticmaalaya ereyga Qowmiyad, isga oo markaa ka hadlaya qabiil. Maxay kala yihiin Qowmiyad iyo Qabiil?

Xagga Qaanuunka; maxay kala yihiin Xeer, Qaanuun iyo Sharci?

Maxaa u dhexeeya Axdi-Qarameed iyo Dastuur?

Sida keliya ee aad ereyga saxda ah u isticmaali karto waa in aad taqaan macnaha dhabta ah ee ereyga iyo aqoon ahaanba waxa uu u taagan yahay.

Taa waxaad ku gaari kartaa barasho iyo akhris aan joogsan.

Waxaa kale oo aad u baahan tahay in marka aadan hubin aad heli kartid dad mawduucaas aqoon u leh oo kuu fasira macnaha ereyga ama kuu sheega erey kaa maqnaa oo ah kan ugu habboon.



Isha qormadan: BBCsomali

Comments