Mujaahid,
xaq-u-dirir, gobannimo-doon, argagixiso, intuba waxay muujinayaan ammaan ama
eedeyn qofka qoriga sita.
Isla qofka
qoriga haysta ayaa dadka qaarna u arki karaan xaq-u-dirir, qaarna u arki karaan
argagixiso.
Waxaa laga
yaabaa in ay ka dhex dhexaadsan tahay adiga oo adeegsada qof hubeysan.
Barnaamijyada
salaamaha waxaad maqleysaa aabbe hebel hebel ama hooyo hebla hebel.
Af Soomaaliga
aabbe ma ahan derejo. Marka sow lama qaadan in qofka magaciisa la sheego lana
yiraahdo wuxuu hambalyo u dirayaa aabbihiis ama wiilkiisa?
Waxaad
maqleysaa erayo lid ku ah haweenka.
Ku tiri ku
teen ayaa ka mid ah. Waxaa loola jeedaa in haweenku ay xanta iyagu sheegaan.
Laakiin
wararka xanta ah ee inta badan siyaasadda ah dadka isu sheegaa inta badan waa
rag.
Ta macnaheedu
wuxuu yahay, in haddaan dumarka laga eexeneyn la dhihi lahaa ku yiri ku yeen.
Si kastab ha
ahaatee waa eray in laga dhowrsado ay habboon tahay.
Habar fadhida
legdini la fudud ayaad maqleysaa. Waxaa loola jeedaa in aan habari legdin ka
bixi Karin.
Is weydii oday fadhiya isagu legdin wax ma ka galaa?
Gabar yar in ay nooga dhimato ma ahan dagaal ayaad
maqelysaa qof dhahaya.
Waxaad arkeysaa in carruurta la xaq darayo. Laakiin waxaa
iyaduna xaq darra ah in ilmo yar aan la dhihin ee la yiri gabadh yar. Taas
haddaan loola jeedin in gabadhu ay ka qiimo yar tahay wiilka, maxaa kale oo ay
noqon kartaa?.
Isha qormadan: BBCsomali
Isha qormadan: BBCsomali

Comments
Post a Comment