Haddaan
isticmaalo alan, wey adag tahay in aad garato waxa aan ula jeedo haddaadan ku
soo nolaan magaalada Jowhar, isla markaana aadan wax ka aqoon beerista qasabka.
Qasabka oo ah
geedka laga sameeyo sonkorta oo ka baxa Jowhar, ayaa waxaa uu leeyahay xubno
isku taxan oo sida xubnaha gacanta aad arekyso meesha ay ku kala qeybsamaan.
Xubin kasta oo geedkaas ka mid ah ayaa la yiraahdaa alan.
Berigii
dambena, afyaqaannada Soomaaliga sida cilmiga ah u baara ayaa ereygaas u
adeegsaday eray bixinta oo waxay u beddeleen ereyga Ingiriiska ah ee syllable
ayay eraybixintiisa Soomaaliga ah waxay u qaateen in uu yahay alan.
Eryadan u fiirso
af-guriga ah, iyo kuwa u dhigma ee aan qiyaasayo in gobollo badan laga yaqaan.
Reer Djibouti
ukunta waxay u yaqaannaan naalo. Kubbaddana dad baa u yaqaan gocos.
Woqooyi-Bari
Kenya, haddii aad maqasho juumbi, waxaa loola jeeda cusbo.
Gambarka loo
tartamayo haddii aad ka maqasho Woqooyi-Bari Kenya, waxaa loola jeedaa kursiga
loo tartamayo.
Af-gurigu ma
xuma haddii aad la hadleyso dadka degaankaaga.
Laakiin haddii
internet aad wax ku qoreyso ama aad diyaarineyso qormo loogu tala galay in ay
gaarto gobollo badan oo Soomaaliyeed, waxaa wanaagsan in aad isticmaasho erayo
aad qiyaasi karto in dadka akhrisanaya, dhegeysanaya ama daawanayaa ay fahmi
karaan.
Isha qormadan:
BBCsomali

Comments
Post a Comment