Shacabka Bariga Afrika oo u dhaw in ay yeeshaan baasaboor iyo fiiso dalxiis oo ay ka midaysan yihiin

Jimco, July 19, 2013—Go'aanka ay gaadheen waddamada xubnaha ka ah Shacabka Bariga Afrika (EAC) in ay qaataan fiiso mid ah dalxiiska gobalka iyo baasaboor oo ah muwaadiniinta EAC dhamaadka 2014 ayaa loo arkay si kala gadisan.

Wufuud ka kala socota EAC ayaa bishii hore ku kulmay Arusha, Tansaaniya, halkaas oo ay isku waafaqeen wakhti xaddidan oo lagu soo saarayo xulafadan baasaboorkeeda sanadka soo socda.

July 6-deedii ayaa wasiirrada dalxiiska ee shanta waddan ee xubnaha ka ah EAC -- Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania and Uganda -- ay ku kulmeen Burundi halkaas oo ay hoosta ka xariiqeen wakhti cad oo ay ku samaynayaan fiiso dalxiis oo mid ah wakhtigaas oo ah bisha July ee soo socota. Wasiirrada ayaa sidoo kale sameeyay guddi shaqo oo la socda fulinta qorshayaasha fiisada cusub xaliyana arrimaha wali dhiman.

Waddamada EAC ayaa ka shaqaynayay baasaboor iyo fiiso ay ka midaysan yihiin laga soo billaabo 2005, laakiinse qorshahan ayaa dib u dhacay sababo la xidhiidha amaanka, tayo darida kaabooyinka, iyo is af garan waa ah lacagta fiisada laga qaadayo iyo qaabkii dakhliga loo wadaagi lahaa awgood, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya ee Arrimaha Gudaha iyo Isku Dudbaridka Dawladda Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa sidaas yidhi.

"Arimahaas wali dhiman oo dhan waa laga wada hadlay waxaana la xalinayaa inta aan la gaadhin wakhtigii loo qabtay," Lenku ayaa sidaas yidhi. "Tanina waxay ahayd sababta dib loogu dhigay fulinta fiisada, taas oo wakhtigeedu ahaa sanadkan, si wakhti loo siiyo in arimaha la isku khilaafsan yahay loo xaliyo."

Si wakhtigii loo qabsaday wax walba loogu dhammeeyo, ayaa waddamada xubnaha ka ah golahan ay isku waafaqeen in ay waafajiyaan sharciyadooda socdaalka yoolka EAC ayna meel mariyaan tiknolojiyada loo bahaan yahay in ay midayso nidmaaka shabakadaha isgaadhsiintooda.

"Tani waxay sahlaysaa is dhexgalka nidaamka maamulka socdaalka waxayna kaalmaynaysaa shabakadaha meelaha waddamada laga soo galo iyo safaaradaha waddamada xubnaha ka ah oo dhan, Lenku ayaa sidaas yidhi.

Nidaamkan midaysan ayaa u sahlaya EAC in ay is dhaafsadaan macluumaadka ku saabsan dadka u safraya waddamada gobalka ayna ka hortagaan dambiilayaasha ka gudbaya mid ka mid ah waddamada EAC una gudbaya mid kale, ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in wada hadalada ku saabsan habka fiisada iyo lacagta la qaadayaba ay wali socdaan.

Hal baasaboor oo ka dhexeeya waddamada EAC
Markii laga hadlayo baasaboorka midka ah, ayaa Golaha Wasiirrada ee EAC ay u qoondeeyeen ugu dambayn July 31-deeda in ay la yimaadaan qaabka uu noqonayo baasaboorka lagu safri doono, Nyamajeje Weggoro oo ah guddoomiyaha qaybta wax soosaarka ee EAC ayaa sidaas yidhi.

"Ilaa iyo hadda, waxa al isku waafaqay waa in baasabooradu ay qaadan doonaan midabka calamada waddamada EAC, habka uu noqonayo iyo dhinaca ammaanka waxa looga baahan yahayna [wuxuu la socon doonaa] qaababka hay'adaha madaniga caalamiga ah," ayuu u sheegay Sabahi.

Wufuuda EAC ayaa sidoo kale isku waafaqay in baasaboorka midka ah, oo ka gaddisan midka hadda laga qaato gobalka, la galin doono qalab sim kaarka oo kale ah oo macluumaadka qofka wata uu ku kaydsan yahay.

Waxay u taalaa mid kasta oo ka mid ah xulafadan shanta ah ee xubnaha ah in ay go'aamiyaan in muwaadiniintoodu ay qaadan doonaan waddankooda baasaboorkiisa iyo baasaboorka EAC, ama hal baasaboor oo wata magaca EAC iyo ka waddankooda, Weggoro ayaa sidaas yidhi.

Hadda xubanaha waddamada EAC ayaa soo saara baasaboor ku meel gaadh ah si gobalka dhexdiisa loogu safro. Baasaboorkaas, oo inta badan ay qaataan ardayda iyo ganacsatadu, ayaa u ogalaanaya kuwa wata in ay ka qaataan fiisooyin mid kasta oo ka mid ah wadamada EAC waxaana waajib ah in lixdii biloodba hal mar la cusboonaysiiyo.

"Waxaan ka codsanaynay waddamada xubnaha in ay dar dar galiyaan soo saaridda fiiso dalxiis oo mid ah si loo soo jiito dalxiisayaal badan. Wax badan ayaa la sugayay, laakiinse ugu dambayntii waxaan haynaa ballan qaad ah xubnaha waddamada in ay dhaqan galiyaan arrintaas," agaasimaha guud ee Isutagga Dalxiiska Kenya Agatha Juma ayaa u sheegay Sabahi.

Juma ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go'aanka ay gaadheen waddamada EAC ee ahaa in ay sameeyaan guddi shaqo oo wax ka qabta arrimaha aan wali dhamaanin, balanna qaadaya in labada arrin wakhtigooda lagu fulinayo. Hawlwadeenada dalxiiska ayaa is baddalkan isha ku haya, arrintaas oo xoojin doonta dalxiiska, soona jiidan doonta dad badan oo gobalka soo booqda iyada oo arrimaha loo sahlayo socdaalayaasha, ayay tidhi.

"Codsiyada fiisada ee ay dalxiisayaashu ku khasban yihiin in ay waraaqo badan buuxiyaan mar walba oo ay dhax marayaan xuduudaheena ayaa ahayd mid wakhti badan qaadata dadkana aan soo jiidanaynin," ayay tidhi.

Is badalkan ayay tahay in sidoo kale uu wax ka qabto in dalxiisayaasha ajaanibta ah uu soo jiito, sababta oo ah waxay awoodi doonaan in ay Bariga Afrika oo dhan ugu safraan hal fiiso, Juma ayaa sidaas tidhi.

Fududaynta caqbadaha safarka gobalka
Laakiinse Julius Karanja, oo ah hawlwadeen dalxiis oo ka shaqeeya Twiga Tours oo Nairobi ku taala, oo bixisa dalxiis raaxo leh oo ah Kenya iyo Tansaaniya, ayaa shaki ka muujiyay in waddamada EAC ay wakhtigii loo qabtay wax walba ku dhamayn doonaan.

"Balanqaadyadan oo kale hadda ka hor ayaan maqalnay, waana ka shakisannahay in arrintas la gaadhi doono si aan meesha uga bixino nidaam [yadaas] ay waajibka ahayd in afar sano ka hor la tirtiro markii iskaashatada xuduudka iyo nidaamka suuqa loo dhan yahay ay dhaqan gashay," ayuu yidhi.

"Caqabadahaas ganacsi ee wali sii wada in ay hoos u dhigayaan is dhaxgalka, ayaa aniga fikradaydu, ay tahay in lagu xalin karo, haddii waddamada ay [waddan ahaan] u go'aamiyaan in ay arrintan wax ka qabtaan, iyada oo aan loo sii maraynin kulamo gobaleedyo oo madax sare ay ku kulmayaan in arrimana ay isla meel dhigayaan," Karanja ayaa sidaas yidhi.

Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Bariga Afrika Vimal Shah ayaa yididiilo fiican muujiyay, isaga oo sheegay in baasaboorka midka ah uu kor u qaadayo ganacsiga gobalka, sidoo kalena is dhexgalinayo isu socodka alaabta, dadka iyo khidmooyinka ee waddamada EAC dhaxdooda.

"Markii la fuliyo, ayaa dadka Bariga Afrika loola dhaqmi doonaa sidii hal dad oo kale. La igama dalbi doono in aan qaato rukhso shaqo si aan shaqo uga helo Uganda aniga oo Kenyaan ah," Shah ayaa sidaas yidhi. "Tani ayaa sahlaysa isu socod xor ah oo ah dhinaca shaqaalaha ee gobalkeena iyada oo taasina ay xoojinayso is dhaxgalka."

Wuxuu sheegay in baasaboorka midka ah uu sahli doono in uu yareeyo kharashka kala ganacsiga ee Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Mark Omolo, oo ah arday Kenyaan ah oo ganacsiga ka barta Jaamacada Makerere ee Kampala, Uganda, ayaa sheegay in baasaboorka EAC uu u kaydin doono 8,000 oo shilin ($92) doolar lixdii bilood ee kastaba iyo sidoo kale uu ka kaaftoomi doono dhibaatooyinka ah in uu waraaqaha fiisada cusboonaysiiyo.

"Arrintani aad ayay ugu adkayd ardayda [sababta oo ah] lixdii biloodba waxaan ku khasbannahay in aan xuduudka u safarno si aan u cusboonaysiino in aan Uganda joogno, laakiinse waxaan rajaynayaa in qorshahan uu lacag noo kaydin doono, nagana dhigi doon in aan dareeno [in aan nahay] hal Bari Afrikaan ah iyo sidoo kale [in dadka uu ku kaalmayn doono] in ay si sahlan isku dhaxgalaan," ayuu u sheegay Sabahi.

Su'aal: Maxaad u malaynaysaa qorshayaasha Bulshada Bariga Afrika ee ah baasaboor iyo fiiso mid ah? Ma fikrad fiican baa mise waa arrin walwal leh? Waddamada EAC wakhtiga ay iyagu isu-qabteen arrintan ma ku dhammayn doonaan? Aragtidaada nagula wadaag qaybta faallooyinka ee hoose.


Isha Warkan: Sabahi

Comments