Shacabka Bariga Afrika oo u dhaw in ay yeeshaan baasaboor iyo fiiso dalxiis oo ay ka midaysan yihiin
Jimco, July 19, 2013—Go'aanka ay gaadheen waddamada
xubnaha ka ah Shacabka Bariga Afrika (EAC) in ay qaataan fiiso mid ah dalxiiska
gobalka iyo baasaboor oo ah muwaadiniinta EAC dhamaadka 2014 ayaa loo arkay si
kala gadisan.
Wufuud ka kala socota EAC ayaa bishii hore ku kulmay
Arusha, Tansaaniya, halkaas oo ay isku waafaqeen wakhti xaddidan oo lagu soo
saarayo xulafadan baasaboorkeeda sanadka soo socda.
July 6-deedii ayaa wasiirrada dalxiiska ee shanta waddan
ee xubnaha ka ah EAC -- Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania and Uganda -- ay ku
kulmeen Burundi halkaas oo ay hoosta ka xariiqeen wakhti cad oo ay ku
samaynayaan fiiso dalxiis oo mid ah wakhtigaas oo ah bisha July ee soo socota.
Wasiirrada ayaa sidoo kale sameeyay guddi shaqo oo la socda fulinta
qorshayaasha fiisada cusub xaliyana arrimaha wali dhiman.
Waddamada EAC ayaa ka shaqaynayay baasaboor iyo fiiso ay
ka midaysan yihiin laga soo billaabo 2005, laakiinse qorshahan ayaa dib u
dhacay sababo la xidhiidha amaanka, tayo darida kaabooyinka, iyo is af garan
waa ah lacagta fiisada laga qaadayo iyo qaabkii dakhliga loo wadaagi lahaa
awgood, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya ee Arrimaha Gudaha iyo Isku
Dudbaridka Dawladda Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa sidaas yidhi.
"Arimahaas wali dhiman oo dhan waa laga wada hadlay
waxaana la xalinayaa inta aan la gaadhin wakhtigii loo qabtay," Lenku ayaa
sidaas yidhi. "Tanina waxay ahayd sababta dib loogu dhigay fulinta
fiisada, taas oo wakhtigeedu ahaa sanadkan, si wakhti loo siiyo in arimaha la
isku khilaafsan yahay loo xaliyo."
Si wakhtigii loo qabsaday wax walba loogu dhammeeyo, ayaa
waddamada xubnaha ka ah golahan ay isku waafaqeen in ay waafajiyaan
sharciyadooda socdaalka yoolka EAC ayna meel mariyaan tiknolojiyada loo bahaan
yahay in ay midayso nidmaaka shabakadaha isgaadhsiintooda.
"Tani waxay sahlaysaa is dhexgalka nidaamka maamulka
socdaalka waxayna kaalmaynaysaa shabakadaha meelaha waddamada laga soo galo iyo
safaaradaha waddamada xubnaha ka ah oo dhan, Lenku ayaa sidaas yidhi.
Nidaamkan midaysan ayaa u sahlaya EAC in ay is
dhaafsadaan macluumaadka ku saabsan dadka u safraya waddamada gobalka ayna ka
hortagaan dambiilayaasha ka gudbaya mid ka mid ah waddamada EAC una gudbaya mid
kale, ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in wada hadalada ku saabsan habka
fiisada iyo lacagta la qaadayaba ay wali socdaan.
Hal baasaboor oo ka dhexeeya waddamada EAC
Markii laga hadlayo baasaboorka midka ah, ayaa Golaha
Wasiirrada ee EAC ay u qoondeeyeen ugu dambayn July 31-deeda in ay la yimaadaan
qaabka uu noqonayo baasaboorka lagu safri doono, Nyamajeje Weggoro oo ah
guddoomiyaha qaybta wax soosaarka ee EAC ayaa sidaas yidhi.
"Ilaa iyo hadda, waxa al isku waafaqay waa in
baasabooradu ay qaadan doonaan midabka calamada waddamada EAC, habka uu
noqonayo iyo dhinaca ammaanka waxa looga baahan yahayna [wuxuu la socon doonaa]
qaababka hay'adaha madaniga caalamiga ah," ayuu u sheegay Sabahi.
Wufuuda EAC ayaa sidoo kale isku waafaqay in baasaboorka
midka ah, oo ka gaddisan midka hadda laga qaato gobalka, la galin doono qalab
sim kaarka oo kale ah oo macluumaadka qofka wata uu ku kaydsan yahay.
Waxay u taalaa mid kasta oo ka mid ah xulafadan shanta ah
ee xubnaha ah in ay go'aamiyaan in muwaadiniintoodu ay qaadan doonaan
waddankooda baasaboorkiisa iyo baasaboorka EAC, ama hal baasaboor oo wata
magaca EAC iyo ka waddankooda, Weggoro ayaa sidaas yidhi.
Hadda xubanaha waddamada EAC ayaa soo saara baasaboor ku
meel gaadh ah si gobalka dhexdiisa loogu safro. Baasaboorkaas, oo inta badan ay
qaataan ardayda iyo ganacsatadu, ayaa u ogalaanaya kuwa wata in ay ka qaataan
fiisooyin mid kasta oo ka mid ah wadamada EAC waxaana waajib ah in lixdii
biloodba hal mar la cusboonaysiiyo.
"Waxaan ka codsanaynay waddamada xubnaha in ay dar
dar galiyaan soo saaridda fiiso dalxiis oo mid ah si loo soo jiito dalxiisayaal
badan. Wax badan ayaa la sugayay, laakiinse ugu dambayntii waxaan haynaa ballan
qaad ah xubnaha waddamada in ay dhaqan galiyaan arrintaas," agaasimaha
guud ee Isutagga Dalxiiska Kenya Agatha Juma ayaa u sheegay Sabahi.
Juma ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go'aanka ay
gaadheen waddamada EAC ee ahaa in ay sameeyaan guddi shaqo oo wax ka qabta
arrimaha aan wali dhamaanin, balanna qaadaya in labada arrin wakhtigooda lagu
fulinayo. Hawlwadeenada dalxiiska ayaa is baddalkan isha ku haya, arrintaas oo
xoojin doonta dalxiiska, soona jiidan doonta dad badan oo gobalka soo booqda
iyada oo arrimaha loo sahlayo socdaalayaasha, ayay tidhi.
"Codsiyada fiisada ee ay dalxiisayaashu ku khasban
yihiin in ay waraaqo badan buuxiyaan mar walba oo ay dhax marayaan xuduudaheena
ayaa ahayd mid wakhti badan qaadata dadkana aan soo jiidanaynin," ayay
tidhi.
Is badalkan ayay tahay in sidoo kale uu wax ka qabto in
dalxiisayaasha ajaanibta ah uu soo jiito, sababta oo ah waxay awoodi doonaan in
ay Bariga Afrika oo dhan ugu safraan hal fiiso, Juma ayaa sidaas tidhi.
Fududaynta caqbadaha safarka gobalka
Laakiinse Julius Karanja, oo ah hawlwadeen dalxiis oo ka
shaqeeya Twiga Tours oo Nairobi ku taala, oo bixisa dalxiis raaxo leh oo ah
Kenya iyo Tansaaniya, ayaa shaki ka muujiyay in waddamada EAC ay wakhtigii loo
qabtay wax walba ku dhamayn doonaan.
"Balanqaadyadan oo kale hadda ka hor ayaan maqalnay,
waana ka shakisannahay in arrintas la gaadhi doono si aan meesha uga bixino
nidaam [yadaas] ay waajibka ahayd in afar sano ka hor la tirtiro markii
iskaashatada xuduudka iyo nidaamka suuqa loo dhan yahay ay dhaqan gashay,"
ayuu yidhi.
"Caqabadahaas ganacsi ee wali sii wada in ay hoos u
dhigayaan is dhaxgalka, ayaa aniga fikradaydu, ay tahay in lagu xalin karo,
haddii waddamada ay [waddan ahaan] u go'aamiyaan in ay arrintan wax ka qabtaan,
iyada oo aan loo sii maraynin kulamo gobaleedyo oo madax sare ay ku kulmayaan
in arrimana ay isla meel dhigayaan," Karanja ayaa sidaas yidhi.
Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Bariga Afrika Vimal Shah
ayaa yididiilo fiican muujiyay, isaga oo sheegay in baasaboorka midka ah uu kor
u qaadayo ganacsiga gobalka, sidoo kalena is dhexgalinayo isu socodka alaabta,
dadka iyo khidmooyinka ee waddamada EAC dhaxdooda.
"Markii la fuliyo, ayaa dadka Bariga Afrika loola
dhaqmi doonaa sidii hal dad oo kale. La igama dalbi doono in aan qaato rukhso
shaqo si aan shaqo uga helo Uganda aniga oo Kenyaan ah," Shah ayaa sidaas
yidhi. "Tani ayaa sahlaysa isu socod xor ah oo ah dhinaca shaqaalaha ee
gobalkeena iyada oo taasina ay xoojinayso is dhaxgalka."
Wuxuu sheegay in baasaboorka midka ah uu sahli doono in
uu yareeyo kharashka kala ganacsiga ee Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Mark Omolo, oo ah arday Kenyaan ah
oo ganacsiga ka barta Jaamacada Makerere ee Kampala, Uganda, ayaa sheegay in
baasaboorka EAC uu u kaydin doono 8,000 oo shilin ($92) doolar lixdii bilood ee
kastaba iyo sidoo kale uu ka kaaftoomi doono dhibaatooyinka ah in uu waraaqaha
fiisada cusboonaysiiyo.
"Arrintani aad ayay ugu adkayd ardayda [sababta oo
ah] lixdii biloodba waxaan ku khasbannahay in aan xuduudka u safarno si aan u
cusboonaysiino in aan Uganda joogno, laakiinse waxaan rajaynayaa in qorshahan
uu lacag noo kaydin doono, nagana dhigi doon in aan dareeno [in aan nahay] hal
Bari Afrikaan ah iyo sidoo kale [in dadka uu ku kaalmayn doono] in ay si sahlan
isku dhaxgalaan," ayuu u sheegay Sabahi.
Su'aal: Maxaad u malaynaysaa qorshayaasha Bulshada Bariga
Afrika ee ah baasaboor iyo fiiso mid ah? Ma fikrad fiican baa mise waa arrin
walwal leh? Waddamada EAC wakhtiga ay iyagu isu-qabteen arrintan ma ku dhammayn
doonaan? Aragtidaada nagula wadaag qaybta faallooyinka ee hoose.
Isha Warkan: Sabahi

Comments
Post a Comment